Wiil kusoo biiray qoyska boqortooyada Ingiriiska

Qoyska reer Boqor Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Qoyska reer Boqor

Wiil cusub ayaa kusoo biiray qoyska boqortooyada Ingiriiska, waxaana wiilkan dhashay xaaska amiirka leh dhaxaltooyada ee Amiir William, oo uu isaga laftiisa dhalay wiilka boqorada Charles.

Gabadha lagu magacaabo Catherine ayaa isbitaalka loo qaaday xili hore saakay, waxayna kama dambeys dhashay wiil, kaas oo noqonaya kan shanaad eel eh dhaxaltooyada.

War qoraal ah oo kasoo baxay qasriga boqortooyada ayaa lagu sheegay in wiilka iyo hooyadiisba uu caafimaadkooda wanaagsanyahay.

Ra'isulwasaaraha Britain Tharesa May ayaa hambalyo u dirtay qoyska.

Ka hor inta uusan dhalan ilmahan oo aanan la ogeyn ayaa waxaa horey loosii diyaariyay magacyadii loo bixin lahaa lab iyo dhedeg midka uu noqdo.

Magacyada wiilka loo xuli doono waxaa ka mid ah Arthur, Albert, Frederick, James amd Philip.

Lammaanahan waxa ay horey u heysteen wiil iyo gabadh.

Lamaa

Mowduucyada la xiriira