Kumaa ka nasiib badan ninka ka badbaaday mas, libaax badeed iyo madax-kuti?

Qaniinyada madaxa iyo tan lugta oo ah kuwa ugu halista badan Lahaanshaha sawirka DYLAN MCWILLIAMS
Image caption Qaniinyada madaxa iyo tan lugta oo ah kuwa ugu halista badan

Waxay yiraahdaan nasiibka waa saddex kal oo kaliya, balse nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah oo ku nool gobolka Colorado ayaa saddex jeer ka badbaaday weeraro kala duwan oo ay kusoo qaadeen xayawaano halistooda badantahay.

Dylan McWilliams ayaa ah nin dalmar ah oo socdaalo ku mara meelo kala duwan.

Mar ayaa waxaa soo weeraray libaax badeed isaga oo ku dabaalanaya xeebka jasiiradda Hawai, kaas oo ka qaniinay lugta.

"Lugta ayaan wax ka dareemay, kadibna haraanti ayaan ku dhuftay, waxaanan usoo dabaashay xeebta sida ugu dhaqsiyaha badan" ayuu yiri Dylan.

Dhiig aad u badan ayaa ka baxay, wuxuuna u heystay in lugta dhan uu libaaxa ka goostay.

7 qodob ayaa la tolay lugta, taas oo ka dhigan in libaax badeedka uu ahaa mid aad u weyn, ilkihiisana illaa hadda ay ka muuqdaan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Xayawaan dabar go' qarka u saaran

Waxa uu socdaalo ku maray meelo badan oo Maraykanka iyo Canada ka tirsan, isaga oo qabtay shaqooyin aad u kala duwan.

Awoowgiis ayaa baray isaga oo yar sida duurka loogu badbaado haddii ay wax ku dhacaan, isagana maanta dad kale ayuu siiyaa tabobaro.

Mar isaga oo duurka u dalxiis tagay gobolka Colorado ayaa waxaa xilli habeen ah madaxa ka qaniinay bahalka loo yaqaano Madax Kutiga oo ah bahal yeeyda ka weyn oo dad cun ah.

Hardan badan oo uu la galay bahalka ayaa waxaa kusoo toosay saaxiibadiis, kuwaas oo ka dhiciyay bahalkan oo miisaankiisu dhanyahay 136kg.

Maamulka kaynta ayaa subixii xigay qabtay Madax-Kutigii, ilkihiisana waxa ay ka heleen dhiigga Dylan, waxaa la sheegay in markii dambe la dilay bahalka.

9 qodob ayaa madaxa laga tolay Dylan, waana uu xanuunaa marka uu taabto.

Balse taas kama aysan hor istaagin dalmarnimadiisa, safaradiisiina waa uu sii watay.

Mar saddexaad waxaa Dylan qaniin mas suntiisa halis tahay isaga oo sii fuulaya buuraha Utah ee dalka Maraykanka.

Qaniinyadii maska iyadana waa uu ka badbaaday, balse wali Dylan waxaa ku yaala dhaawacyo kala duwan, sidaasi oo ay tahayna wali waa uu jecelyahay socdaaladiisa, dadkana waa uu ku dhiirogalinayaa in ay socdaan.

Mowduucyada la xiriira