Trump iyo Macron oo carrabka ku dhuftay heshiis cusub oo Iiraan lala galo

Trump iyo Macron Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump iyo Macron

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo jeediyay in uu jiro karo heshiis cusub oo dhanka Niyukleerka ah oo Iiraan lala galo.

Ka dib wadahadalo ay ku yeesheen dalka Mareykanka,ayaa madaxwayne Trump oo isagu ka biya diiday heshiiskii Iiraan lala saxiixday 2015, waxa uu sheegay "in laga yaabo in la gaaro heshiis balaaran".

Mr Macron ayaa sheegay in heshiis cusub ay qayb ka noqon doonto barnaamijka gantaaalada Riddada dheer iyo doorka Iiraan ee bariga dhexe.

Iiran ayaa dhankeeda ka digtay "cawaaqib xumo arrintan ka dhalan karto" haddii Mareykanka ay ka baxaan heshiiskani.

Sanaddii 2015, Iiran ayaa aqbashay in ay dib u dhigto barnaamijkeeda Niyukleerka taa badalkeedana waxaa Iiraan laga khafiifiyay cunaqabatayntii dhaqaale ee saarnayd.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku hanjabayay in uu ka bixi doono heshiiskani Niyukleerka Iiraan ee la saxiixay xilligii maamulkii Obama.

  1. Madaxwaynaha iiraan oo digniin u jeediyay Maraykanka
  2. Maxaa ugu wacan Sucuudiga iyo Iiraan xifaaltanka kharaar?
  3. Donald Trump iyo Maxamuud Cabbaas oo kulmay

Heshiiskan ayaa waxa wada saxiixday dowladda Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn.

Hogaamiyaha jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay Jimcaha booqato dalka Mareykanka iyada oo ay isku dayaysa in Mr Trump ay ku qanciso muhimadda uu heshiiskan leeyahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa laga soo xigtay in xukuumadda Tehran "ay suuragal tahay in heshiiska ay ka baxdo " haddii Mareykanka ay isaga baxaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwayne Trump oo soo dhawaynaya dhigiisa Faransiiska

Maxay Trump iyo Macron ka sheegeen Washington?

"Waxa aan u malaynayaa in aan samaynayno heshiis k ka ballaaran," ayuu yiri madaxwayne Trump.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiis waliba uu yeesho gundhig adag.

"Waxa ay ahayd in ay gaaraan heshiis camimaya Yemen, Suuriya, kaasi oo taabanaya qaybaha kale ee bariga dhexe," ayuu yiri Mr Trump oo ka hadlayay heshiiskii 2015 oo uu ku tilmaamay mid "aan micno ku fadhin".

Mr Macron ayaa dhankiisa ku raacay waxa uuna sheegay in galaangalka Tehran ee gobolka uu qayb ka noqdo wadaxaajoodka.

Waxa uu madaxwaynaha Faransiiska sidoo kale ka hadlay in uu madaxwayne Trump kala shaqayn doono sidii loo dhisi lahaa "Ajanda cusub " oo ku aadan bariga dhexe gaar ahaan Suuriya.

Mar sii horreysay Mr Trump ayaa Iiraan uga digay in ay dib u soo cusboonaysiiso barnaamijkeeda Niyukleerka.

"Haddii ay dib u bilaabaan waxa ay la kulmi doonaan dhibaato wayn oo aysan waligood arag." Ayuu yiri madaxwayne Trump.

Mowduucyada la xiriira