Xabaalo wadareedyo laga helay Rwanda

ilaa 800,000 oo ruux ayaa la dilay saddex billood oo ka mid ah sannadkii 1994tii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption ilaa 800,000 oo ruux ayaa la dilay saddex billood oo ka mid ah sannadkii 1994tii

Xabaal wadareedyo ayaa laga helay Rwanda 24 sano ka dib markii uu dalkaas ka dhacay xasuuqii ay ku dhinteen 800,000 ee ruux.

Dadka deegaanka ayaa rumaysan in xabaalo wadareedyadu ay ka kooban yihiin 3,000 oo ruux oo aagaas lagu waayay markii uu socday xasuuqii Rwanda.

Helitaankan ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaad ka hor ay ku aadanayd wakhtida sida rasmiga ah loo xuso dadkii ku dhintay mid ka mid ah masiibooyinkii ugu xumaa ee dunida casriga ah ka dhaca.

Dad mutadawiciin ayaa hogaaminayay soo qufitaanka xabaalahan, toddobaad ka dib markii ay haweenay sheegtay in ay aragtay meel lagu daadiyay maydad labaatan sano ka hor.

Qaraabada ay dadkoodu dhinteen ayaa gaaray xabaalaha iyaga oo haraaga maydadka ka fiirinaya calaamadihii ay ku yaqaaneen dadkii ay jeclaayeen, bal si ay ugu caddaato in ay ka mid yihiin dadka meesha lagu aasay iyo in kale.

Helitaankan ayaa horseeday su'aalo ay Warbaahinta Rwanda soo jeedisay oo ah sababta ay ilaa iyo hadda u aamusnaayeen dadkii wax ka ogaa xabaalahaas.

Qaar ka mid ah dadkii ka qaybqaatay xasuuqaas ayaa xor ah oo soo dhamaystay xabsiyadii lagu xukumay.

Mowduucyada la xiriira