Askari Israa'iili ah oo loo xiray in uu dilay kuray Falastiini ah

Nadim Nuwara ayaa xabadka laga toogtay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nadim Nuwara ayaa xabadka laga toogtay

Maxkamad ku taalla Israa'iil ayaa xabsi ku xukuntay booliis hore oo xadka ilaalin jiray, kaas oo toogasho ku dilay wiil kuray ah oo mudaaharaad ka qaybqaadanayay 2014kii.

Ben Deri ayaa lagu xukumay sagaal billood oo xabsi ah ka dib markii uu dilay Nadim Nuwara oo 17 jir ah oo ka qaybqaadanayay mudaaharaad ka dhacayay barta kontoroolka ee Beitunia oo ku taalla daanta galbeed ee la haysto.

Deri ayaa qirtay in uu wiilka ku tacadiyay ka dib markii dacwad oogeyaashu ay meesha ka saareen dacwaddii ahayd in uu qof u dilay si aan kutalagal ahayn.

Waa arrin naadir ah in laamaha ammaanka ee Israa'iil loo maxkamadeeyo dil loogaystay Falastiiniyiin mudaaharaadaya.

Ilmaha labaad Muxammad Abu Thahr oo 16 jir ah ayaa lagu dilay isla mudaaharaadkaas, balse dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in aysan haynin cadaymo ku filin oo ay kiiskaas ku sii dabo socon karaan.

Markii uu mudaaharaadkaasi socday 15kii May ee 2014kii Falastiiniyiin ayaa dhagaxaan ku tuuray laamaha ammaanka ee Israa'iil oo ku sugnaa barta kontoroolka ee Beitunia.

Si kastaba ha ahaatee Nuwara ayaa laga toogtay xabadka ka dib markii ay dhagax tuuriddu dhammaatay, sida lagu sheegay war ay maxkamadu faafisay Arbacadii.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Soomaali qaxootinimo u tagay Israa'iil

Mowduucyada la xiriira