Dowladda Tanzania oo mamnuucday dibadbaxyada ka dhanka ah Magufuli

magufuli Lahaanshaha sawirka AFP

Dalka Tanzania waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka kaddib markii mas'uuliyiinta dalkaasi ay gebi ahaanba mamnuuceen dibadbaxyo ay ku baaqeen kooxaha mucaaradka.

Dibadbaxyo maanta lagu waday in guud ahaa dalka ay ka dhacaan ayaa guul dareystay kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan booliska uu ku hanjabay in dadka dibadbaxyada dhigaya loo karbaashi doono sida "Eey baadi ah".

Dhawr qof ayaa xabsiyada la dhigay kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda madaxweyne John Magufuli.

Mucaaradka Tanzani ayaa madaxweyne Magufuli ku eedeynaya cabburinta warbaahinta iyo dadka ka dhaliilsan maamulkiisa.

Bishii la soo dhaafay ayaa mid ka mid ah taliyeyaasha gobol ku yaalla dalkaasi waxa uu dadka dibadbaxyada dhigaya ugu hanjabay in qofkii la arka isaga oo muddaharaadka ka qeyb qaadanaya lugaha laga jebin doono oo la curyaamin doono.

Mowduucyada la xiriira