Muqdisho oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay adeega Triple Play oo ah adeeg internet
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay adeega Triple Play oo ah adeeg internet

Magaalada Muqdisho waxa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay adeega Triple Play oo ah adeeg aad hal waayar oo kaliya u adeegsan karto internet xawaare sare leh, telefishanka, iyo moobilkaaga gacanta ee guriga ama goobtaada ganacsi. Shirkad la yiraahdo Star Cast ayaa adeegan ka hirgalisay magaalada Muqdisho, waana adeeg aad ugu yar dalalka afrika.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaano adeegan cusub ayaa Liibaan Cabdi Cigaal oo ah maamulaha shirkada Star Cast, waxa uu uga waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan, oo marka hore weydiiyay bal inuu sharaxo waxa uu yahay adeegan Triple Play.