Goobta lagu tijaabiyo nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ‘oo la xirayo bisha May’

Sawir lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya goobta lagu tijaabiyo nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ee Punggye-ri Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya goobta lagu tijaabiyo nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ee Punggye-ri

Goobta lagu tijaabiyo nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa la xiri doonaa bisha May ee foodda inagu soo haysa, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed.

Afhayeen ayaa sheegay in xiritaanka goobtaa Punggye-ri uu u dhici doono qaab cad oo aanay cidina ka qorsoonayn, iyadoo sidoo kale goobta lagu casuumi doono khubaro ajaanib ah oo ka kala socda Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka si ay u daawadaan xafladda xiritaanka goobtaasi.

Jimcihii, Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa waxa ay isku raaceen inay ka wadashaqeeyaan sidii gacanka Kuuriya loogaga ciribtiri hubka nukliyeerka.

Shirkooda ayaa yimid kaddib bilooyin Waqooyigu uu adeegsanayay hadallo kulkulul oo mararka qaar la dheehan karay saansaan colaadeed.

Sabtidii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in muddo saddex ama afar todobaad gudahood ah uu kula kulmi doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Waxa uu dad isugu soo baxay gobolka Michigan u sheegay inuu rajaynayo in wadahadallada ay noqon doonaan kuwo lagu guulaysto oo horseeda in gacanka Kuuriya laga cirib tiro hubka nukliyeerka.

Hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray inuu isaga bixi doono wadahadallada haddii aanay shaqeyn.