Kumannaan qof oo ka qaxay colaad ka soo cusboonaatay dalka Myanmar

Ugu yaraan 10,000 oo qof oo ah qowmiyadda Kachin ayaa la rumaysan yahay inay sanadkan ka qaxeen guryahoodii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ugu yaraan 10,000 oo qof oo ah qowmiyadda Kachin ayaa la rumaysan yahay inay sanadkan ka qaxeen guryahoodii

Kumannaan qof ayaa waxa ay isaga carareen dagaalo soo cusboonaaday oo u dhaxeeya milateriga Myanmar iyo fallaagada qowmiyadda Kachin, kuwaas oo ay dirir ku dhexmarayso gobolka waqooyiga ee dalkaasi.

Qiyaastii 4,000 oo qof ayaa tan iyo bilowgii bishan Abriil waxaa ay ka qaxeen guryahooda, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii ay cirka isku shareertay colaad muddo dheer soo jirtay oo u dhaxeysay Ururka Xornima-doonka Kachin (KIO) iyo ciidammada dowladda.

Milateriga Myanmar ayaa la sheegayaa inuu fallaagada ku baacsanayo duqeymo dhanka cirka ah iyo madaafiicda dhulka.

Xilli kumannaan qof ay halkaasi ku barakaceen, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in badan ay ku go'doonsan yihiin goobaha ay qulqulatada ka taagan tahay, ee u dhaw xadka Shiinaha.

Hay'adaha gargaarka ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda inay u ogolaato inay halkaasi galaangal u yeeshaan.

"Walaaca ugu weyn ee aannu qabnaa ayaa ah badqabka dadka rayidka ah - oo ay ka midka yihiin haweenka xaamilka ah, kuwa da'da ah, carruurta yaryar iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Ayuu Mark Cutts, Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNOCHA, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

"Waa inaannu xaqiijinnaa in dadkaasi ammaankooda la dhowrnaa." Ayuu Catts sii raaciyay.

Mowduucyada la xiriira