Tuulooyinka Hindiya oo dhammaantood koronto la galiyay

Hindiya waa dalka saddexaad ee ugu soo saarka badan quwadda korontada waana isla dalka saddexaad ee ugu isticmalka badan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hindiya waa dalka saddexaad ee ugu soo saarka badan quwadda korontada waana isla dalka saddexaad ee ugu isticmalka badan

Dhammaan tuulooyinka Hindiya ku yaalla ayaa loo galiyay koronto, sida uu ku dhawaaqay ra'iisulwasaaraha dalkaas Narendra Modi.

Arrintan ayaa la xaqiijiyay Sabtidii ka dib markii tuulo ku taalla gobolka Manipur ay noqotay middii u dambaysay ee korontada loo galiyo.

In tuulada koronto la galiyay waxaa loo aqoonsadaa marba haddii 10% la galiyo koronto guryaha iyo xafiisyada dawladda ee ku yaalla.

Xogta uu Bangiga Adduunku shaaciyay ayaa muujinaysa in 200 oo milyan oo Hindi ah aysan haysanin koronto.

Modi ayaa sheegay in 600,000 oo tuulo oo Hindiya ku taalla in hadda la gaarsiiyay koronto.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka qaar korontada ma gashadaan iyagoo kharashkeeda ka cararaya

Saxafiyiintu waxay leeyihiin waa guul wayn oo uu gaaray dalka saddexaad ee ugu dhaqaalaha ballaaran ee Aasiya.

Sikastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa Twitterka ku soo qoray in tuulooyinkoodu aysan wali helin koronto inkastoo ay dawladdu sidaas sheegatay.

Hindiya ayaa ah dalka saddexaad ugu soo saarka badan quwadda korontada waana isla dalka saddexaad ee ugu isticmaalka badan, laakiin caqabada ugu wayni waxay ka jirtay qaybinta korontadaas iyo in dadka la gaarsiiyo.

Bishii Agoosto ee 2015kii Modi ayaa billaabay mashruuc 2.5 bilyan ay ku baxayso oo guryaha Hindiya oo dhan lagu galinayo koronto meesha lagu gaaro bisha Diseembar ee 2018ka.

Mowduucyada la xiriira