Real iyo Bayern oo u loolamaya fiinaalka Champions League-ga

Real Madrid badge Lahaanshaha sawirka Getty Images

Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabéu ku martigelin doonta Bayern Munich, ciyaartaasi oo ah lugta labaad ee nus dhammaadka horyaallada Yurub. Real Madrid ayaa lugtii hore kusoo badisay 2-1.

Kooxda uu tababaro macallin Zinedine Zidane ayaa doonaysa in markii saddexaad ee isxigta ay ku guulaysato koobkan.

Bayern waxaa ka maqan Arjen Robben oo baalka uga dheela, ka dib markii uu lugta ka dhaawacmay daqiiqadihii hore ee kulankii lugta koobaad.

Balse waxaa la filayaa in ay caawa u saftaan David Alaba iyo Javi Martinez oo labaduba dhaawac kasoo kabtay.

Real Madrid waxay u badan tahay inuu ka maqnaado Dani Carvajal oo baalka uga ciyaara, ka dib markii uu muruq go'ay.

Tababare Zidane oo kooxdiisa ay kaalinta saddexaad kaga jirto shaxda kala horreynta horyaalka La Liga, ayaa sheegay in shaqadiisa aanay ku xirneyn ku guulaysashada horyaalka Champions League-ga.

Mowduucyada la xiriira