Daadadka ka socda dalka Kenya oo ay ku dhinteen 100 qof

. Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption .

Hay'adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa sheegaysa in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen 242,000 qofna oo kalana ay ku barakaceen daadadka iyo fatahaadaha ka socda dalka Kenya muddo afar isbuuc ah.

Ururka ayaa ugu yeeray hay'addaha deeqbixiyaasha inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Saameynta ugu weyn ayaa ah in dadka ay guryahoodii ka barakacen, qaar ay biyo qaadeen, qaarna ay guryahahooda biyo buuxdhaafiyeen.

Dadka ay dhibatoyinka soo gareen ayaa hada hoy ka dhiganaya iskuulada,iyadoo ay hay'adda ku howlan tahay sidii ay gargaar ugu fidin lahayd dadkan soo barakacay.

Xoghayaha Laanqayrta Cas dalka Kenya , Cabaas Gullet, ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin inay dillaacan cudurada biyaha ka dhasha sida daacuunka.

Qeybo badan oo ka tirsan dalka ayaa waxaa sameeyey dhibatoyinkan, iyadoo saadaliyayaasha hawada ay sheegayaan in saameynta ugu weyn laga arkay waqooyi bari ee dalka oo aan helin muddo toban sano ah roobab baxaddaas leh.

Waxaa lagu wadaa in iskuulada dalka dib loo furo maalinta Arbacada ah, balse waxaa weli xiran boqolaal iskuul oo ka tirsan xarumaha waxbarashada gobolka oo ay daadadka saameyen.

Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka barakacay in ka badan 250,000 oo qof ka dib markii webiyada ugu waa weyn dalka Soomaaliyasida webisga Shabeele ay soo fataheen.

Waa xilliga ugu roobabka badanaa, iyadoo dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ka soo kabsanayaan abaarihii dhawaan wax yeeleyey.

Mowduucyada la xiriira