Fatahaado go'doomiyay magaalada Mustaxiil ee dalka Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fatahaado go'doomiyay magaalada Mustaxiil ee dalka Itoobiya

Kumannaan qof ayaa waxa ay isaga qaxeen guryahoodii ku yaallay magaalada Mustaxiil ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kaddib markii ay ku dhufteen daadad xooggan oo ka yimid webiga halkaasi mara oo karkaaraha jabsaday.

Roobab mahiigaan ah ayaa waxa ay todobaadyadanba ka da'ayeen qeyba badan oo ka mid ah Bariga Afrika, kuwaas oo meelaha qaar biyihii ka dhashay ay daadad xoog badan isu badaleen.

Wadammada ilaa hadda ay daadadkaasi saameeyeenna waxaa ka mid ah Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Tanzania.

Weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaan qadka taleefoonka kula xiriiray waxa aana ugu horeyn waydiiyay xaalada ay imika ku sugan tahay degmada Mustaxiil.