Gabadh Laanqayrta Cas u shaqaynaysay oo Muqdisho lagu afduubtay

Calaamadda ICRC Lahaanshaha sawirka .

Kalkaaliso caafimaad oo Jarmalka u dhalatay ayaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho halkaas oo ay uga hawlgalaysay hay'adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah.

Rag hubaysan oo aan la aqoonsanin ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen dhismaha hay'adda ayna gabadha kala baxeen albaab ku yaalla qaybta dambe ee dhismaha iyaga oo ka xidaaraysanaya waardiyeyaashii albaabka hore ilaalinayay.

Afhayeen u hadlay hay'adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICRC ayaa sheegtay in uu aad ooga walaacsan yahay ammaanka gabadha ay shaqaalaha ka tirsanayd.

Wuxuu sheegay in ay maalin walba ku dadaalaysay in ay badbaadiso nolosha dadka Soomaaliyeed ee ugu nugul.

Mowduucyada la xiriira