Fatahaad khasaare ka gaysatay Qabri-dahar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fatahaad khasaare ka gaysatay Qabri-dahar

Magaalada Qabri Dahar ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in daadad ku fatahay ay sababeen khasaaro hanti iyo guryo soo dumay. Daadadka ayaa la sheegay inay ka dhasheen roobab ka da`ay magaalada, iyadoo boqollaal qofna ay guryahooda ka qaxeen.

Meelo kale oo badan oo ka tirsan Bariga Afrika ayaa sidoo kale roobab xooggan oo ka da`aya ay sababeen fatahaad geysatay khasaare naf iyo maalba leh.

Si aan arrintaasi wax badan uga ogaanno, ayaan qadka telefoonka kula xiriirnay Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka Qabri-dahar, wuxuuna sharraxaad ka bixinayaa khasaaraha fatahaadda.