Hardanka ay dalalka gacanku ugu jiraan Soomaaliya

Heshiiska dekada Berbera ayaa arrimaha sii cakiray Lahaanshaha sawirka Mary Harper
Image caption Heshiiska dekada Berbera ayaa arrimaha sii cakiray

Hardanka loogu jiro sidii deked loo heli lahaa ayaa ka socda mid ka mid ah meelaha aysan u badnayn inuu ka dhaco ee dunida, waana Soomaaliya.

Iminka wuxuu abuuray halgan dhinaca gobolka ah oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar oo Turkiga taageero ka helaysa oo dhinaca kale ah.

Arrinta xuddunta u ah ma aha oo qura biyaha saxmadda badan ee Soomaaliya, laakinse waa degenaanshaha mustaqbalka waddanka qudhiisa.

Tobanaan sano ayey dagaallo ka socdeen Soomaaliya, ilaa iyo dhowrkii sano ee u dambeeyey, markaasoo ay halgan u gashay inay soo jiidato maalgashi shisheeye.

Laakinse xafiiltanka ka socda gana biyoodka carabta ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay Soomaaliya.

Dekedaha

Sannad ka hor, shirkad ay leedahay xukuumadda Iimaaraadka Carabta ayaa heshiis ku kacaya £336 malyan oo doollar saxiixday, kaasoo lagu balaarinayo dekedda Boosaaso.

Muddo sannad ka yar xilligaas, ayaa shirkad iyadana laga leeyahay Iimaaraadka waxay la wareegtay gacan ku haynta dekedda Berbera, waxayna ku yaboohday $440 malyan oo doollar oo lagu horumarinayo. Bishii Maarso, Itoobiya ayaa qayb laga siiyey dekedda.

Imaaraatka iyo Baxreyn oo isu gaashaan buureystay Soomaaliya

Isla wakhtigaas, Turkiga oo gacan saar la leh Qatar oo ay is hayaan Iimaaraadka ayaa Soomaaliya ka waday maalgashiyo balaayiin doollar ku kacaya. Shirkad Turki ah ayaa maamulaysay dekedda Muqdisho tan iyo 2014, ayadoo shirkado kale oo Turki ah ay dhiseen jidad, iskuullo iyo isbitaallo.

Xafiiltanku wuxuu aad u sii xoogaystay wixii ka dambeeyey Juun, markaasoo dalalka carbeed ee awoodda leh oo Sacuudigu uu hor kacayo ay badankood xiriirkii diblomaasiyadeed u jareen Qatar, ayagoo ku eedeeyey inay taageerto Iiraan iyo mintidiin islaamiyiin ah.

Cadaawadaas waxay sare u sii qaadday damaca ah gacan ku haynta geeska Afrika iyo biyihiisa, sida ay sheegayaan diblomaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaali ah.

Soomaaliya waxay aad ugu dhow dahay marinnada muhiimka u ah saliidda, dekedaheedana waxay adeeg siin karaan Itoobiya oo aan deked lahayn, ayna ku nool yihiin ilaa 100 malyan oo qof.

Dalalka khaliijka waxay muddo qarniyaal ah xiriir ganacsi iyo mid diimeed la lahaayeen Soomaaliya, laakin xiriirradaas waa kuwo sammada ku laalan bacdamaa ay xafiilatnno cusub soo baxeen.

"Soomaaliya waxay dhexda u gashay dadaal la doonayo in lagu balaariyo samaaynta ganacsi iyo tan milateri ee xeebta" sidaa waxaa yiri Rob Malley, guddoomiyaha hay'adda caalamiga ah ee xasaradaha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xoolaha ugu badan ee Soomaaliya waxaa loo dhoofiyaa Sucuudiga

Waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo

Sacuudiga iyo Iimaaraadka waxay si isa soo taraysa u eegayaan xeebta Soomaaliya - Jabuuti iyo Eritrea oo ka xiga waqooyina - waxay u arkayaan "amaanka geestooda galbeed" sida laga soo xigtay diblomaasi reer galbeed ah oo ka hawl gala geeska Afrika.

Qatar iyo Turkiga oo maalgashigooda uu yaallo meel kasta oo Muqdisho ah, waxay diiradda ku hayaan taageeridda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Isaga iyo agaasimihiisa madaxtooyada waxaa Soomaaliya gudaheeda iyo diblomaasiyiinta reer galbeedkuba ay aad ugu arkaan inay daacad u yihiin Qatar, ka dib markii ay dhaqaale ka heleen ololahoodii doorashada ee 2017.

Sarkaal reer Qatar ah ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Dooxa ay $385 Malyan oo Doollar ku bixisay kaabayaasha, waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo ee dawladda dhexe.

Sarkaalku wuxuu sheegay in heshiis toos loola galo dawlad goboleedyada Soomaaliya, sida Iimaaraadkuba uu sameeyey, ay tahay mid wiiqaysa dawladda dhexe.

Wasiirka Maaliyadda ee soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa taas ku raacsan. "Gobolka khaliijka lacag badan ayaa taalla, hadday doonayaan inay maalgashadaanna gacmo furan ayaan ku soo dhoweynaynaa" ayuu yiri "laakin waa su'aal ah in laga soo galo irridda saxda ah".

Xukuumadda Federaalka ee Muqdisho waxay in badan is fahami la'aayeen Puntland iyo Somaliland. Somaliland waxayba u dhaqantaa sidii dal madax banaan, waxayna muddo sanooyin ah baadigoobaysay inay ka go'do Soomaaliya, laakinse kuma guulaysan aqoonsi caalami ah.

Saamaynta Dhaawaca leh

Muddo laga joogo in ka yar 10 sano, ma jirin wax dan ganacsi ah oo laga lahaa Soomaaliya.

Taas waxay billowday inay is beddesho sannadkii 2011, markaasoo Al Qaacida oo taageeraysa Al Shabaab ay dib uga gurteen Muqdisho. Bilooyin ka dib turkiga ayaa wuxuu bilaabay gargaar wax looga qabanayo gaajada, taasina waxay irdaha u furtay mashaariic ka dhigay Turkiga inuu noqdo maalgaliyaha shisheeye ee ugu weyn Soomaaliya.

Xukuumaddu waxay rajeynaysaa malgashi cusub, gaar ahaan dhinaca kaabeyaasha, kuwaasoo gacan ka siin kara waddanka dhinaca dib u dhiska.

Hanaan canshuur qaadid oo hufan wuxuu sare u qaadi u qaadi karaa dakhliga xukuumadda, laakinse taasi waxay dabooli kartaa oo kaliya mushaaraadka shaqaalaha dawladda. Dhaqaale aad u badan ayaa loo baahan yahay marka alaga hadlayo waddooyin, iskuullo iyo waxyaabaha kale ee daruuriyaadka ah. Dalalka bariga dhexe iyo hay'adaha khayriyaadka qaar lacagtaas ka mid ah way bixin karaan.

Image caption Ciidamada cusub ee UAE soo tababartay

Sidaasoo ay tahay, lacagtu waa mid khalkhal galin karta dalka, siina fogeyn karta dareenka u dhaxeeta xukuumadda dhexe oo la dhinac ah Turkiga iyo Qatar, iyo Puntland iyo Somaliland oo labadaba dhaqaale ka hela Iimaaraadka.

"Maalgashiyadaas waxay saamayn dhaawac leh ku leeyihiin deganaanshaha siyaasadeed, waxayna sii murjinayaan xiriirka u dhaxeeya xukuumaddeena federaalka iyo gobollada" sidaa waxaa yiri Xuseen Sheekh Cali oo ahaa la taliyii hore ee amaanka qaranka.

"Tani waa mid keeni karta mushaakil dastuuri ah oo Al Shabaab oo kaliya ay ka faa'iidi doonaan" ayuu sii raaciyey.

Xasaradda ka aloosan khaliijka waxay sii fogaysay xiisadda ka jirta Soomaaliya. Xukuumadda dhexe waxay qaadatay mowqif dhexdhexaadnimo, taasina waxay ka caraysiisay Iimaaraadka iyo Sacuudiga oo taageera Puntland iyo Somaliland.

"In laga baxo qaskan waa mid aad u adag" ayuu yiri Xuseen Sheekh, "haddii aan midnimo la helin kama bixi karno ayuu sii raaciyey".

Dalalka galbeedku waxay ka cabsi qabaan in is qabqabsiga Waddamada khaliijka ee ay isku haystaan Soomaaliya ay gees u riixi karto dadaalkii balaayiinta Doollar ay ku baxday ee qaramada midoobay ay hogaaminaysay, kaasoo dib loogu dhisayo ciidan milateri, ka hor inta aysan sannadka 2020 dalka ka bixin ciidanka nabad ilaalinta ee midowga Afrika.

Mushaakilka siyaasadeed ee ka dhex oogan Muqdisho iyo maamullada gobollada ayaa ah mid wiiqaya dadaalka ay xukuumaddu ku doonayso inay ku xoojiso hanaankeeda dhaqaalaha iyo taabba gelinta hawlaha horyaalla.

Mushkilad

Xiisadda ka jirta khaliijka waxaa laga dareemay gudaha Soomaaliya.

Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqolaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.

Todobaadkii hore, saraakiil ka socotay Puntland ayaa safar ku tegey Dubai si ay ula kulmaan dhigooda Iimaaraadka carabta iyo shirkadda P&O oo ah shirkadda horumarinaysa dekedooda.

Image caption Gawaarida ay ku howlgali doonaan ciidamada cusub
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir Hore : Shirka madaxda waddamada gacanka carabta

"In lagu maalgashado malaayiin Doollar Soomaaliya wakhtigan xasaasiga ah waa mid muhiim noo ah" ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale, saraakiil ka socotay Somaliland ayaa waxaa todobaadkii hore martiqaaday diblomaasiyiin Iimaaraadka carabta ka tirsan, si ay uga wada hadlaan "sare u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah".

"Soomaalida qudheeda cayaartaan sidii jar-ka-booddada ah ee Soomaaliya ay noqotay garoon uu ka socdo dagaalka khaliijka ayaa ah akhbaar xun" sidaa waxaa yiri Harry Verhoeven oo brofessor ka ah jaamacadda Georgetown ee Qatar.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan