Iran dhaqaale ahaan maka faa’iidaysatay heshiiskii Nuyuukleerka?

Looska Iran Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Looska Iran

Heshiiskii Nuyuukleerka ee la saxiixay sanadkii 2015-kii , ayna wada galeen dowladda Iran iyo 6 dal oo kala ah Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Britain, France iyo Germany ayaa horseeday in la qaado cunaqabatayntii dhaqaale ee saarnay Iran.

Iran waxa ay heshiiska ku badalatay in ay xakamayso horumarinta barnaamijkeeda Nuyuukleerka.

Balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si joogto ah ugu hanjabaya in uu ka laaban doono heshiiskaas, islamarkaasna go'aan ka gaari doono 12-ka bishan May in uu dib usoo celiyo cunaqabatayntii dhaqaalaha ee saarnayd Iran.

Iyada oo taariikhdaas ay aad usoo dhawaanayso ayaa barnaamijka Xaqiiqo Raadin ee BBC-da waxa uu u kuurgalauaa waxyaabaha ay Iran ka faa'iiday heshiiskan.

Dhoofka Shidaalka iyo sida uu u kobciyay dhaqaalaha Iran

Dhaqaalaha Iran waxa uu galay qalalaase ka hor heshiiska Nuyuukleerka, balse sanduuqa lacagta adduunka waxa uu sheegay in dhaqaalaha Iran uu kordhay boqolkiiba 12.5% sanad kadib heshiiska.

IMF waxa ay qiyaasaysaa in sanad kasta dhaqaalaha Iran uu kordhayo 4% boqolkiiba.

Kororkii sanadkii hore ee aadka ahaa waxaa lagu micneeyay in ay ugu wacnayd qiimaha shidaalka oo kordhay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muddaharaadyada Iraan maxay ku qotomaan?

Cunaqabatayntii saarnayd ayaa waxa ay Iran ku qasabtay in ay kala bar dhinto dhoofkii shidaalka ka hor intii aanan heshiiska la galin.

Tusaale sanadkii 2013-kii Iran waxa ay dhoofin jirtay 1.1 milyan barmiil maalinkii, maantana waxa ay dhoofisaa 2.5 milyan barmiil maalin kasta.

Wax soo saarka kale ee Iran Dhoofiso

Lahaanshaha sawirka AFP

Shidaalka ka sokoow Iran waxa ay dhoofisaa badeeco kale sida nooc looska ka mid ah oo lagu magacaabo Pistachio, wuxuuna dhoofkaas soo xareeyay lacag gaaraysa $5 bilyan doolar.

Sida ay sheegtay wasaarada maaliyadda Iran, looska oo kaliya waxa uu sanadkii dhoofkiisa gaaray $1.1 bilyan oo doolar, taasna waxa ay aad uga badantahay sanadkii hore intii uu dhoofka gaarayay.

Dhibka kaliya ee wax soo saarkan gaaray ayaa ah abaarta, ee ma ahan cunaqabataynta.

Ganacsiga ka dhaxeeya Iran iyo Yurub aad ayuu u kordhay tan iyo intii cunaqabataynta la qaaday, balse Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Turkiga ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee dhoofsada badeecada Iran.

Lacagta Iran

Sanadkii 2012-kii lacagta Riyaalka ee Iran ayaa lumiyay sadex meelood labo meel oo ka mid ah qiimaheedii, sababtuna waxa ay ahayd cunaqabataynta iyo maamul xumo gudaha ah ee xaga suuqa lacagaha.

Cuqanataynta waxa ay xakamaysay galaangalka ay Iran u lahayd nidaamka bunuukta adduunka.

Madaxweynaha Iran ayaa heshiiskii Nuyuukleeka kadib balanqaaday in aanan dib loo arki doonin sicirka sarifka oo sare u kaca saacad kasta.

Balse markii madaxweynaha Maraykanka Trump uu diiday in uu heshiiska ogolaado ayay lacagta markale hoos u dhac biloowday.

Kala bar ayuu qiimaha lacagta hoos u dhacay sanadkii hore, taas oo dadka dalkaas ku qasabtay in ay iibsadaan lacag adag oo shisheeye iyaga oo ka baqaya in lacagta Iran ay hoos usii dhacdo.

Waxaa kale oo dhacday in dad badan ay hantidooda kala baxeen Iran, waxaana la qiyaasay in illaa iyo $30 bilyan oo doolar laga saaray dalkaas.

Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Iran ayaa talaabo ka qaaday dukaamada sarifka lacagaha qalaad, waxaana la mamnuucay in ay iibiyaan lacaga qalaad, waxaana lasoo rogay sharci ah in qofka uusan haysan karin lacag ka badan $12 kun oo lacagta doolarka Maraykanka ah.

Mowduucyada la xiriira