Tababaraha Man United oo dhaleeceyay qaar ka mid ah cayaartoydiisa

Tababaraha kooxda Manchester United Mourinho Lahaanshaha sawirka BBC SPORT
Image caption Tababaraha kooxda Manchester United Mourinho

Tababarah kooxda Manchester United ayaa dhaleeceyay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa qadka dhexe uga dheela kooxda ka dib markii 1-0 ay ku garaacday kooxda Brighton.

Cayaaryahannada Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa ka mid ahaa 11 cayaartooy ee lagu bilaabay qeeybtii hore ee kulanka ka dib markii dhaawac soo gaaray cayaaryannada Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.

"Maxaa markasta loo hadal hayaa Lukaku? Maxaa markasta loo hadal haya Lukaku? Maxaa markasta loo hadal haya Lukaku? '" Ayuu yiri Mourinho.

Lukaku ayaa dhameystay 90-ka daqiiqo 30 kulan oo ka tirsan horyaalka Premier League-gga xilli cayaareedkaan, waxa uuna dhaliyay 16 gool.

Waxa uu dhaawac ka soo gaaray labaduba kulankii Arsenal ee sabtidii hore balse Mourinho ayaa ku raja weyn in labaduba ay soo laabtaan kulanka kama dambeysta ah ee ay la cayaaridoonaan kooxda Chelsea 19 May.

Mowduucyada la xiriira