Faransiiska : Trump sarriig la’aan ayuu lasoo baxay

Donald Trump Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka caraysiiyay dadka Faransiiska kadib markii meedaar ku tilmaamay sidii rag hubeysan ay u laayeen 130 qof , weerar ka dhacay magaalada Paris.

Dadka aragtidooda ka dhiibtay hadalka Trump waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Francois Hollande oo Trump ku tilmaamay nin 'sariig beelay'.

Wasaaradda arrimaha dibeda Faransiiska ayaa ku baaqday in la xurmeeyo dadkii la laayay.

Trump ayaa hadal ka jeedinayay ururka buntukhleyda qaran ee Maraykanka, wuxuuna sheegay in haddii dadka hubka loo ogolaan lahaa aysan suurtogal ahaateen in dadka intaas la'eg la laayo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhawaan ka laabtay safar uu Maraykanka ku tagay ayaanan si dhaqso leh uga jawaabin hadalka Trump oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Mowduucyada la xiriira