Britain oo Trump ugu baaqday in uusan ka bixin heshiiska Iiraan

Trump iyo Johson Lahaanshaha sawirka EPA/AFP

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu baaqay in uusan ka bixin heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Wuxuu sheegay in ay khalad noqon doonto in la isaga baxo heshiiskaas "iyadoo la marayo xilli uusan cago adag ku taagnayn".

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ayaa booqasho ku jooga magaalada Washington isaga oo isku dayaya in uu madaxweynaha Maraykanka ku qanciyo kasii mid ahaanshaha heshiiska caalamiga ah ee Iiraan lala galay.

Heshiiskan ayaa horseeday in Iiraan ay dhinto hawlaheeda nukliyeerka iyada oo ku badalanaysa in laga khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaale ee saaran.

UK iyo dalalka ay xulafada yihiin ee Yurub ayaa haysata tan iyo 12 bisha May si ay isugu dayaan in ay Trump ku qanciyaan heshiiska.

Trump ayaa si wayn u dhaliilay heshiiskaas, wuxuuna ku tilmaamay "waali".

Britain, Faransiiska iyo Jermalka ayaa daaha hoostiisa ka shaqaynayay toddobaadyo iyaga oo ku jira dadaal ay ku doonayaan in uu sii shaqeeyo heshiiskaasi oo la gaaray markii uu Obama talada hayay, dalalka kale ee sixiixayna waxaa ka mid ahaa Shiinaha iyo Ruushka.

Boris Johnson oo maqaal ku qoray wargeyska New York Times ayaa sheegay in heshiisku uu daldaloolo leeyahay balse la sixikaro.

Mowduucyada la xiriira