Fatahaadda wabiga Shabeelle oo dhulka la simay Mustaxiil

Madaxweyne Cabdi Maxamuud ayaa booqday goobaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen Lahaanshaha sawirka Cabdi Maxamuud
Image caption Madaxweyne Cabdi Maxamuud ayaa booqday goobaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Mustaxiil iyo deegaanno kale ayaa khasaare naf iyo maalba leh gaystay, sida uu sheegay madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugu yaraan shan ruux ayaa la xaqiijiyay in ay fatahaadaha ku nafwaayeen.

Marka laga soo tago magaalada Mustaxiilna waxay dhibaato baaxadleh soo gaartay deegaannada kale ee kala ah Qalaafe, Feerfeer iyo Beercaano.

Fatahaadaha ayaa waxyeelo wayn u gaystay beerihii iyo guryihii.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa booqday Mustaxiil oo xudun u ahayd mashaakilka fatahaadaha.

Lahaanshaha sawirka Cabdi Maxamuud
Image caption Mustaxiil iyo deegaannada ka agdhaw ayay aad u saameeyeen fatahaaduhu

"Sida ka muuqata magaca degmada oo ah Mustaxiil ayaa waxay ku tusinaysaa in daganaashaha goobta ay degmadu ku taallo ayna macquul ahayn, sidaas awgeed ayaa waxaaanu shacabka ku heshiiney in degmada loo raro meel ku haboon oo ay ku nabadgalaan, masaafo ahaanna u jirta goobtii hore saddex kiiloo mitir oo kali ah" ayuu madaxweynuhu boggiisa Facebook ku soo qoray booqashadiisa ka dib.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dadka la gaarsiiyay gargaar.

Dhanka kalana waxaa jira deegaanno kale oo ay dhibaatooyin ka gaysteen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka laxaadka leh ee dhulka Soomaalida ka da'aya.

Baladwaynena kama badbaadin Fatahaadaha

Warbixin ay soo saartay hey'adda badbaadada carruurta ee Save the Children ayaa lagu sheegay in qoysaskii horay ugu barakacay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ay markale dib ugu barakaceen fatahaado ku dhuftay deegaanadii ay deganayeen.

Daadadka ayaa 1,75000 oo qoys ku qasbay inay ka barakacaan guryihii ay deganaayeen, taasi oo hey'adaha gargaarka ay shegeen inay ka dhigantahay in dadkaasi ay u nugul yihiin cudurro ay ka mid yihiin shuban biyood, daacuun iyo nafaqo darro.

Xaaladda banii'aadanimo oo markii hore aad u liidatay ayay sheegeen in fatahaaduhu uga sii dareen, waxaana hey'adaha gargaarka ee ka howgala Soomaaliya ay sheegayaan in ku dhawaad 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin gargaar, halka ku dhawaad saddex milyan oo kamid ah dadkaasi ay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo nafsadooda.

Save the Children waxaa kale oo ay sheegtay inay kala shaqeeneyso kooxaha gurmadka deg degga ah sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne.

Kenya iyo saamaynta daadadka

Hay'adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen 242,000 qofna oo kalana ay ku barakaceen daadadka iyo fatahaadaha ka socda dalka Kenya muddo afar isbuuc ah.

Ururka ayaa ugu yeeray hay'addaha deeqbixiyaasha inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Saameynta ugu weyn ayaa ah in dadka ay guryahoodii ka barakacen, qaarna ay biyo qaadeen, qaarna ay guryahahooda biyo buuxdhaafiyeen.

Dadka ay dhibatoyinka soo gareen ayaa hadda hoy ka dhiganaya iskuullada iyadoo ay hay'adda ku howlan tahay sidii ay gargaar ugu fidin lahayd dadkan soo barakacay.

Xoghayaha Laanqayrta Cas ee dalka Kenya Cabaas Gullet ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin inay dillaacaan cudurrada biyaha ka dhasha sida daacuunka.

Qeybo badan oo ka tirsan Kenya waxaa saameeyey dhibatoyinkan, iyadoo saadaliyayaasha hawadu ay sheegayaan in ay saameynta ugu weyn laga arkay waqooyi bari ee Kenya.

Dadka ay daadadkaas aad u saameeyeenna waxaa ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ku sugan.

Mowduucyada la xiriira