Somaliland oo xabsiga ka siidaysay abwaanad Naciima Qorane

Somaliland Lahaanshaha sawirka NACIIMA ABWAAN QORANE/FACEBOOK
Image caption Naciima Axmed Ibraahim, ayaa maanta laga sii deysay xabsiga Gebilley

Afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa sheegay in abwaanad Namiica Axmed Qorane oo hore maxkamadda gobolka Hargeysa ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah maanta laga sii daayay xabsiga Gebilley, kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Odayaal ka socda qoyska Naciima, oo aabbahheed uu ku jiro ayaa warqad codsi ah u soo qoray madaxweynaha si uu cafis ugu fidiyo kaddibna uu madaxweynuhu aqbalay.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa bishii hore ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanadda oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xidhneyd magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Hargeysa oo Naciima Qorane ku xukuntay saddex sano oo xarig ah

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Jannaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Hay`adaha xuquuqul insaanka oo hore u dhaleeceeyay xarigga Naciima, ayaa guddoomiyaha hay`adda xuquuql insaanka ee Hrageysa Guuleed Axmed Dalfac wuxuu soo dhoweeyay sii deynta Naciima oo uu sheegay inay tahay tallaabo hore loo qaaday, isagoo xusay inay dadaal ugu jireen sidii gabadhaasi loo sii deyn lahaa.