Yaxaas gacanta ka goostay aroosad

Aroosadda uu Yaxaaska gacanta ka goostay ayaa xaflad aroos ah loogu qabtay isbitaalka Lahaanshaha sawirka KingJayZim/TWITTER
Image caption Aroosadda uu Yaxaaska gacanta ka goostay ayaa xaflad aroos ah loogu qabtay isbitaalka

Haweeneey u dhalatay dalka Zimbabwe ayaa ku aqal gashay isbitaal dhexdiisa kaddib markii uu gacanteeda ka goostay Yaxaas maalmo ka hor arooskeeda.

Qarabaada gabadha waxay sheegeen inay dooni ku wadeen webiga Zambezi iyada ninka aroosan rabay.

Waxaa la sheegay inay saarnayen dooni wayn kaddibna uu Yaxaas kusoo dhex weeraray biyaha kaddib markii ay doonida ku qalibantay webiga Zambezi ee dalka Zimbabwe.

Gabadha aroosadda ahayd oo lagu magacaabo Ndlovu ayaa barta Facebook ay ku leedahay soo gelisay sawirro muujinayo iyadoo oo dharkeeda biyo ka da'aayan, dhaawacna tahay.

Waa kuma yaxaaska soo rogaalceliyay ee Zimbabwe?

Zimbabwe oo ka wardhowraysa mustaqbalka Mugabe

Qoyska gabadha waxay sheegeen in Yaxaasku uu gabadha gacanta ka goostay islamarkaasana uu saaxibkeeda uu dadaal u galay sidii uu ku badbaadin lahaa iyada.

Waxaa la sheegay in saaxibkeeda Fox uu u qaaday isbitaalka si qallin loogu sameeyo aroosadda.

Wargayska Sun Newspaper ayaa ku warramay inay qorsheeynayeen in arooskoodu ka dhaco biyo xireenka Victoria Falls sabtidii balse markii uu Yaxaaska dhibaateeyay aroosadda ayaa waxaa qol laga siiyay isbitaalka Mater Dei oo ku yaallo magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe halkaasi ay si rasmi ah ugu aqal galeen laguna dawaynayo aroosadda.

Mowduucyada la xiriira