Dhallinyarada Muqdisho ee isu xilqamay waxbaridda caruurta barakacayaasha

Mid ka mid ah maclimiinta oo ardayda cashar u sharxaya
Image caption Mid ka mid ah maclimiinta oo ardayda cashar u sharxaya

"Haddii qofku gurigiisa ku noolyahay siduu doono ha u mareeyee waxa uu heli karaa iskuul balse qofka ku nool xero barakac waxa uu la loolamayaa quutulyawmka'', waxaa sidaasi yiri Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad oo ka mid ah arday wax ka abrata jaamcadaha balse si mutadawacnima ah wax u bara carruurta qoysaska ku barakcay duleedka Muqdisho

''Inaga waxaan wax barannaa shanta maalin ee shaqada, labada maalin ee fasaxa ahna carruurtaan ayaan waxbarnaa" ayuu yiri Cabdirashiid oo an kula kulmay mid ah xeryaha barakacayaasha.

Ka sokoow culeyska soo xasilinta quutulyowmka caruurtooda waalidiintu waxa ay walwal ka qabaan mustaqbalka wax barasho ee carruurtooda oo intooda badan ku dhashay xeryaha barakacayaasha maadaama aysan kafaalo qaadi karin waxbarashadooda.

Dhallinyaradan oo la baxay Aayo-doon ayaa dugsiyo guur guura ka dhex sameeyay xeryaha barkacayaasha dhexdooda ''si loo badbaadiyo jiilka soo socda''.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo ay fasaxa yihiin ayay isu xilqaameen waxbaridda carruurta barakacayaasha ah oo aan caadiyan awoodin in ay ku biiraan dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Balanbalo yar oo u dhexeysa dhowr aqal oo cooshado iyo jiingado ka sameysan ayey dhulka gogladeen inyar oo kamid ah ayaa bugaag sita duruurf nololeed ayaa indhahooda ka muuqata, haddane firfircoonidooda dhanka waxbarashada waa mid aad u sarreysa.

Image caption Qaar ka mid ah ardayda barakacayaasha

Awooda barakacayaasha ee waxbarshada

Dadka barakacayaaha oo aan haysan inta badan noolal wanaagsan ayaa waxa culays ku ah in ay caruurtooda u helaan waxbarsho, maadaama aysan heli karin qarashaadka ku baxa waxbarshada caruurta.

Maka Sheekh isxaaq, shan carruur ah oo ay dhashay ayaa nidaamkan waxbarashada ka faa'ideysanaya. "Maadaama aanan heysan dhaqaale aan iskuul ku geeyo ilmahaan shanta ah ee meesha ii dhiganaya runtii dhaqaale waaye, laba kamid ah ayaan sanadkaan ii dhameeyay waan u xamaalaayay kuwa kale ee inta ay ka baxaan aan rajeynayana lacag Ayaan u waayay".

Caruur ay tiradooda Ku dhowwdahay 600 canug oo ku kala jira ilaa 6 xero barakac oo gobolka Benaadir ku yaalla ayaa ka faa'ideysta waxbaristan oo aan lahayn manhaj rasmi ah oo loo raaco balse carruurta u suurtagelineysa in ay bartaan akhrinta iyo qoraalka oo qeyb weyn oo nolosha ah ka saacidi kara.

Celcelis ahaan 150 doollar ayaa sanadkii laga qaadaa ardayda dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay, halka hoose dhexana ay bixiyaan boqol ilaa boqol iyo labaatan dollar taa oo ay u sii dheer tahay lacagaha imtixaanaadka, buugaagta iyo waxyaabaha la xiriira.

Dhammaan iskuullada Muqdisho ku yaalla waa kuwa gaar loo leeyahay ma jiraan dugsiyo ay dowladda Soomaaliya maamusho oo iminka shaqeeya taas ayaana la aaminsan yahay in ay Meesha ka saartay mustaqbal carruurta reeraha saboolka.

Image caption Caruurta oo casharo qaadanaya

Fursad dhif iyo naadir ah

Cabdiraxmaad Sheekh Maxamuud shaacir, agaasimaha dugisiyada hooyga xamar waxa uu qabaa in ay dowladdu gebtay mas'uuliyaddeedii, balse dad is xilqaamay oo furay dugsiyo gaar ah ay badbaadinayaan aayaha carruur badan.

"Lacag hala bixiyo marka la yiraahdo mar kasta waa culeys soo fuulaya bulshada, kaalinta meeshaas la dareemaayo waa tii dowladda oo laga rabay in ay sameyso waxbarasho lacag la'aan min dugsi hoose ilaa sare ilaa jaaamacad sameyso. Haddii ay dhici weyso - ninbaa wuxuu yiri haddii fiqi la waayo ma loo fadhinaa- haddii kaalinka dowladda uu soo daahay, waxaa lagama maarmaan noqotay in dadku is abaabulaan oo ay sameeyaan iskuulaad gaar loo leeyahay,"ayuu BBC u sheegay Mr shaacir.

Waa fursad dhif iyo nadir ah in caruurta barakacayaasha ah ay helaan waxbarashada aasaasiga ah, balse su'aasho waxay tahay siduu ku sii socon karaan mashruucan, uuna ku gaari karaa tiro ka badan tan hadda ka faa'ideysata.

Mowduucyada la xiriira