Kenya: 32 ku dhimatay biyo xireen karkaarada jabsaday

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
The search-and-rescue effort is under way in Kenya

Mas'uuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in biyo xireen uu karkaarka jabsaday xalay kaddib markii roobab xoog leh ay halkaasi ka da'een islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan 32 qof.

Goobtu uu biyo xireenka dhibaatada u gaystay ayaa ku yaalla degaanka Solai oo 120 kilomitar kaga beegan waqooy galbeed magaalada Nairobi.

Ha'aydda Laanqayrta Cas ee Kenya waxay sheegtay inay soo badbaadisay ilaa iyo 40 qof.

In ka badan 2000 oo qof ayaa ka qaxday guryahooda.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato iyadoo ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo dadka ay fataahadaha saameeyeen.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa daabulaya dadka ku dhex go'adoonsan biyaha
Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Hoowlaha gurmadka ee deegaanka dhibaatada ka taagan tahay.

Hay'adda Laanqayrta Cas waxay sheegtay in 40 qof loo qaaday isbitaalka Nakuru kaddib markii ay saameeyeen xaafadaha ka ag dhaw biyo xireenka jabsaday.

Taliyaha booliska ee magaalada Nakuru Gideon Kibunjah wuxuu sheegay in 32 mayd ah ay ka heleen dhoobada dhexdeeda.

Roobabka ka da'yay Kenya tan iyo billowgii sanadkan waxaa ku dhintay illa 152 qof halka 2200,00 oo qof ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Boqolaal qof ayaa ku guryahooda ka barakacay kaddib markii uu ku fatahay biyo xireen karkaarada jabasaday dalka Kenya.