Walaalihii dagaalamay iyagoo labo dal kala matalaya

Kornayl Legesse Tafere ayaa gacanta ku haya taleefanka uu ka muuqdo sawir hore oo walaalkii ah Lahaanshaha sawirka BBC Amharic
Image caption Kornayl Legesse Tafere ayaa gacanta ku haya taleefanka uu ka muuqdo sawir hore oo walaalkii ah

Labo walaalo ah ayaa dagaalamay iyaga oo lakala socda ciidammadii Eritrea iyo Itoobiya ee dagaalku dhexmaray, kaligoodna arrintaas kuma koobnayn ee qoysas badan ayay xubnahoodu is dagaaleen.

Dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea dhex maray waxaa lagu fasiri karaa aniga iyo walaalkay, astaan ayaana u nahay dagaalka," ayuu yiri Legesse Tafere oo la hadlay laanta afka Tigreega ee BBC wuxuuna u dagaalamay dhanaka Itoobiya.

"Waxaa iska kay dhalay Itoobiyaan iyo Eritrean sidaas daraadeed aad ayaan u murugooday markii uu dagaalku ka dhex qarxay labadan dal ee walaalaha ah.

Georjo Tafere oo ah walaalkii oo ka yar ayaa taliye ka ahaa dhanka Eritrea markii uu socday dagaalkii 1998-2000.

Waxayna kala galeen labo jabhadood oo la wada dagaalamayay hogaamiyihii Itobiya Mengistu Haile Mariam oo xilka laga tuuray 1991dii, taas oo waddada u xaartay madaxbannaanidii Eritrea.

"Xornimada Eritrea iyo rididdii xukuumadd dhergiga ee Itoobiya ka dib, waxaan isugu hambalyaynay guulaha aan kala gaarnay" ayuu yiri.

"Maadaama oo aan kala baahnay markii aan wadnay dagaalkii xoriyadda ee 1979kii, markaas ka dib ma aanan kulmin. Balse waxaana qorshaynaynay in aan kulano 1998dii.

Si kastabaha ha ahaatee, arrintaasi ma aysan dhicin maadaama oo bishaas uu dagaal xun ku dhexmaray magaalada xadka ku taalla ee Badhume labadii dhinac ee ay lakala safnaayeen.

"Askartii aan isku cutubka ahayn ayaa billaabay in ay igu dhago hadlaan oo ay dhahaan ukasbaad xabbada u garab marinaysaa walaalkaa".

Laakiin dagaalkaasi intii uu socday walaalkii waa la dilay isna lug ayaa ka go'day.

Lahaanshaha sawirka BB Amharic
Image caption Sawirkan waxaa Georjo Tafere laga qaaday markii uu socday dagaalkii jabhadaha ee Dhergida lagula dagaalamayay

"Waan murugooday markii aan maqlay geeridiisa, dhiigii badnaa ee halkaas ku daatayna maskaxdayda lagama saari karo". ayuu yiri

Hooyadii oo dhawaan ku dhimatay Itoobiya waligeed looma sheegin geerida Georjo, inkastoo kornaylku uu rumaysan yahay in laga yaabo in tuhun noocaas ah uu ku jiray.

"Waxaan doonaynay in aan ka ilaalino xannuunka geerida wiilkeeda" ayuu intaas ku sii daray.

Mowduucyada la xiriira