Dagaal ooge hore oo lasoo taagay maxkamad ku taala Uganda

Wa sawir laga qaaday Jamil Mukulu sanadkii 2015-kii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wa sawir laga qaaday Jamil Mukulu sanadkii 2015-kii

Dagaal ooge hore oo ka tirsanaa koox fallaago ah oo la yiraahdo Jamili Mukulu ayaa maxkamad uga billaabatay dalka Uganda kaaso lagusoo ogaaayo dambiyo fallagaanimo iyo inuu taageerayay argagixiso.

Wuxuu hoggaaminayay fallaagada ADF oo ka howlgali jirtay galbeedka Uganda sanadihii sagaashamaadkii kuwaaso markii dambe ku biiray kooxda Al-Qaeda.

Mukulu iyo 34 qof oo kale ayaa loo haystaa dacwado kala duwan oo ay kamid yihiin inay billaabeen fallaago kasoo horjeedo dowladda Uganda, falal argagixiso ah, dil iyo inay gaysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Sanadihii sagaashamaadkii illa 2000, Fallaagada uu hogaaminayay Mukulu waxay weerarro ka gaysteen tuulooyin dhowr ah oo ka dhacay macadka farsamasada ee Kichwamba sanadkii 1998 halkaaso 80 ardey ay nolosha ku gubeen.

Cadaadis militari ayaa ku khasbay inay u qaxaan bariga dalka Congo, waxayna ku biireen koox maxalli ah oo maleeshiyaad ah kaddibna waxay isku magacaabeen ADF-NALU.

Koox ka tirsan ciidammadiisa ayaa dhawaan lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilka culimo muslimiin ah dalka Uganda ah intii u dhexeeysay sanadihii 2013-kii iyo 2015-kii, Booliskuna waxay sheegeen in culimada ay kasoo horjeesteen dhaqdhaqaaqa uu garwadaynka ka yahay.

Mukula ayaa horraantii sanadkii 2015-kii lagu xiray Tanzania kaddibna waxaa loo musaafuriyay dalka Uganda.

Waxaana la filaya in dhagaysiga dacwaddiisa ay kasii socoto bisha dambe maxkamad ku taalla Uganda.

Mowduucyada la xiriira