Iiraan oo taageero u raadinaysa heshiiska nukliyeerka

Javad Zarif ayaa kulankiisa koobaad ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi in Beijing Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Javad Zarif ayaa kulankiisa koobaad ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi in Beijing

Wasiirka Arrrimaha Dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa billaabay safar dublamaasiyad si uu damaanad qaad ugu helo heshiiskii tariikhiga ahaa ee nukliyeerka Iiraan, iskastoo uu Maraykanku isaga baxay.

Zarif oo socdaalkiisa ka billaabay Shiinaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo xaqiijiyo "waji cad oo uu yeelandoono mustaqbalka heshiiskaas".

Maraykanka ayaa dib u soo celin doona cunaqabatayntii saarnayd Iiraan, waxaana laga yabaa in ay arrintaasi sidoo kale saamayso shirkadaha la macaamila, taas oo ka caraysiindoonta dalalkii heshiiska qaybta ka ahaa sida Faransiiska.

Madaxweyne Xasan Rawxaani ayaa sheegay in uu rajaynayo in Iiraan ay ka sii mid ahaan doonto heshiiska.

"Haddii shanta dal ee kale ee sixiixay ay sii ixtiraamaan heshiiska, Iiraanna way ka sii mid ahaan doontaa heshiiska, Maraykanku siduu doono ha yeelee".

Heshiiskii 2015kii ayaa Iiraan ka dalbanaya in ay dhinto barnaamijkeed Nukliyeerka ah, iyadana markaas laga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saran.

Mowduucyada la xiriira