Dhalinyaradu dowr ceenkee ah ayay ka qaadan karaan dhanka siyaasadda Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyaradu dowr ceenkee ah ayay ka qaadan karaan dhanka siyaasadda Soomaaliya?

Waxaa maanta dalka Soomaaliya laga xusayaa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Maalintani ayaa waxa lagu xasuustaa dadaalkii iyo doorkii ay dhalinyarada ka ciyaareen halgankii loo soo galay xorriyadda dalka intii u dhaxaysay kontameeyadii ilaa lixdankii.

Dhalinyarada ayaa waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin lafdhabarta bulshakasta.

Hadaba dhalinyarada dalka Soomaaliya kaalin intee la eg ayey waqti xaadirkan kaga jiraan dhanka siyaasadda? Ma se ka dhex muuqdaan siyaasada dalka?

Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho oo u warramay weriyaha BBC-da ee magaaladaasi, Ibraahim Maxamed Aaden.