Taliban oo weerar xooggan ku qaaday magaalo ku taalla galbeedka Afghanistan.

Qariirad Lahaanshaha sawirka .
Image caption Qariirad

Kooxda Taliban ayaa weerar abaabulan ku qaaday magaalada Farah oo ku taalla galbeedka dalka Afghanistan.

Wararka ayaa sheegaya in qayb ka mid ah magaalada Farah ay gacanta ku dhigeen kooxdani mintidka ah.

Dadka deegaanka ayaa isku dayaya in ay ka qaxaan magaaladaasi uu dagaalka ka socdo.

Dagaal xooggan ayaa socda , waxa ayna dad goob joogaayaal ah sheegayaan in Taliban ay qabsadeen xafiiska ugu wayn gobolkaasi ee dhanka sirdoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxa booliiska ee gobolkaasi la dilay.

  1. Ruushku miyuu hubaynayaa Taliban?
  2. Muxuu qabtay Trump fasaxiisi xagaaga ?
  3. Qarax ka dhacay Kabul oo qasaaro gaystay

Balse saraakiisha dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in ay iska caabinayaan dagaalyahanada weerarka soo qaaday.

Saraakiisha dowlada Afqaanistan ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in iyaga oo isticmaalaya diyaarado ay duqaynayaan saldhigyo ay Taliban leeyihiin.

Barasaabka gobolka uu dagaalka ka socdo ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen kooxda Taliban.

Farid Bakhtawur,oo ah madaxa golaha magaalada Farah, ayaa BBC u sheegay in halkaasi uu dagaal xooggan ka socdo islamarkana ay ciidamada dowladda u baahan yihiin taageero.

Mowduucyada la xiriira