Muxuu k baddeli karaa xaalada Falastiin cadaadiska Turkigu ku hayo Israa'iil?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu ka beddeli karaa xaalada Falastiin cadaadiska Turkigu ku hayo Israa'iil?

Talaadadii waxa ay Bariga Dhexe u aheyd maalin eedo kulul la isku dhaafsanayay xaaladda ka taagan Israa'iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa'iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka.

Turkiga ayaa waxa uu u sheegay safiirkii Israa'iil ee Ankara u sheegay inuu dalkaasi isaga baxo, tallaabadaas oo ay kaga cabanayeen dilkii ay Israa'iil u gaysatay Falastiiniyiinta.

Haddaba Israa'iil ma u dhega nuglaan doontaa cadaadiska uga imanaya Turkiga? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaannu waydiinnay Mustafe Maxamed Cali Caadle oo shahaadada PHD-da ka diyaarinaya Jaamacad ku taalla dalka Turkiga, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.