BBC News Somali waxay goobaysaa jiilka cusub ee dumarka gabya

Gabayaa Deeqa Nuux Yoonis

Waxaa furmay qabashada araajida tartanka gabayada laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo la qabto tartankan oo lagu magacaabo Tartanka Gabayga ee Dumarka Da'da Yar ee BBC News Somali 2018, wuxuuna u furanyahay haweenka da'dooda u dhaxayso 16 illaa 35 jir.

Waxaa laga doonayaa hal abuur gabay oo ay iyagu asal ahaan u leeyihiin oo ku qoran Afka Soomaaliga.

Madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Cabdullaahi Cabdi Sheekh ayaa sheegay in ujeedku yahay in dhagaystayaasha BBC-da loogu soo bandhigo codad cusub iyo gabayo tayo leh.

''Hal abuurka dumarka Soomaaliyeed - haddii ay ahaan lahayd ciyaaro dhaqameedyada ama isticmaalka luuqada- ayaa ah arrin aad iyo aad loo bogaadiyo. Abaalmarinta BBC-da waxa ay soo bandhigeysaa dhaqanka gabayada ee dumarka ku hadla Afka Soomaaliga meel kasta oo ay joogaan, inaga oo siinayna fursad ay kusoo gudbiyaan kartidooda iyo hibooyinkooda", ayuu yiri Cabdullaahi.

Qofka ku guuleysta tartanka iyo labada qof ee kaalmaha xiga soo gala waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Arbacada ah ee ay tariikhu ku beegan tahay 18-ka bisha Luulyo 2018, xaflad lagu qaban doono magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka eeg faahfaahin ku saabsan tartanka, shuruudaha iyo qaabka aad u soo gudbin kartaan codsiyadiina.

Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da'yarta sannadka 2018 ee BBC Soomaali