Dableey hubeysan oo weeraray saldhig Boolis oo ku yaala Induniisiya

Weerarkan dableyda oo dalka Indunisiya argagax kale ka abuuray Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Weerarkan dableyda oo dalka Indunisiya argagax kale ka abuuray

Afar nin oo hubeysan oo weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaallo Samurai ayaa toogasho lagu dilay.

Dableyda weerarka soo qaaday oo gaari watay waxay weerarka ku beegsadeen saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Pekanbaru ee gobolka Riau.

Ciidamada booliska ayaa dilay seddex ka mid ah raggi weerarka soo qaaday , mid ka mid ahna gacanta ku dhigay, ururka isku magacaabo Dowladda Islaamiga (IS) ayaa boggiisa ku soo qoray warbixin uu ku sheegayo inuu werarkaasi ka dambeeyey.

Weerarkan ayaa wuxuu dhacay xilli ay dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo waddanka weli la argagaxsanaa.

Image caption Qariidadda Induniisya

Booliska gobolka weerarkaasi wuxuu u saariyey koox ururka IS ka tirsan oo la yidhahdo Jamaah Ansharut Daulah (JAD).

Induunisiya waa dalka ay ku nool yihiin muslimiinta dunida ugu badan.

Qaraxi Baali ee 2002-da kaddib, waxaa dalka si weyn looga amaanay tillaabbada ay u qaadeen la dagaallanka argagixisada.

Dowladda oo qaadday tillaabbooyin isugu jira dil iyo xarig, waxayna barbar wadday barnaamij sal ballaadhan oo ay maskaxda dadka wax kaga beddeleyso dadka kooxaha argagixsada ka tirsanaan ee la sii daayeyna dakhli ay kaga maarmaan loo abuurayey.

Balse, dalku haatan waxaa soo food saartay halis cusub oo uga imaneyso ururka IS oo dalka gudahiisa howlgal ka billaabay kaddib marki uu IS dagaalla adag uu kala kulmay dalka Suuriya howlahiisa ku soo wajahay dalka Induniisya.

Mowduucyada la xiriira