Ma jiraan dalal kale oo qorshaynaya in safaaradahooda ay u rartaan Qudus?

Safaaradda Mareykanka ee ku leeyahay magaalada Tel Aviv Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Safaaradda Mareykanka ee ku leeyahay magaalada Tel Aviv

Dalalka ku yaalla Latin Ameerika iyo Yurub waxaa la sheegay in safaaradahooda ay u rari rabaan magalaada Qudus halkaaso uu dhawaan Mareykanka safaaraddiisa geeyay.

Dalka Guatamela wuxuu sheegay in safaarad uu ka furan doono magaalada Qudus,

Warbixino kale oo soo baxaya waxay sheegayaan in tallabadaasi mid lamid ah ay dalal kale ay ku dhaqaaqi doonaan.

Safiirka Israa'iil u fadhiya dalka Ingiriiska Mark Regev ayaa sheegay in go'aanka Mareykanka ay raaci doonan dalal ku yaalla Mareykanka iyo Yurub kuwaaso qorshaynaya in safaarahooda ay u wareejiyaan magaalada Qudus.

Safiirka ayaa intaasi ku daray in dhawaan ay go'aankaasi ay ku tallaaba qaadi doonan waddamadaasi.

Waxaa jira cambaarayn caalami ah oo looga soo horjeedo go'aanka Madaxweyne Trump inkastoo dalalka qaar ay taageereen.

Kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishii Disembar sanadkii 2017-kii, 9 dal oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Israa'iil ayaa ka hor yimid baaqa ahaa in Mareykanka uu ka laabto go'aanka uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa'iil.

Mareykanka ayaa si rasmi ah 14-kii bishan May safaarad cusub uga furtay Qudus.

Falastiiniyiinta waxay sheegeen in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda mustaqbalka islamarkaasna ay u arkaan go'aanka Mareykanka mid garab lagu siinaya Israa'iil.

Dunida Muslimka oo dibadbaxyo uga jawaabtay go'aankii Trump ee Qudus

Qudus: "Dharbaaxada qarniga" iyo Jawaabta Bariga dhexe

Wakiilada Falastiin iyo Israa'iil u fadhiya gollaha Ammaanka oo hadallo kulul iswaydaarsaday

Talaaddana waxa ay Bariga Dhexe u aheyd maalin eedo kulul la isku dhaafsanayay xaaladda ka taagan Israa'iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa'iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka.

Labo qof oo kale oo shacabka Falastiin ah ayaa dhintay Tallaadadii. Weriyaha BBC-da ee Qaza ayaa soo sheegaya in laga naxsan yahay tirada aadka u badan ee dhimashada Falastiiniyiinta.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dibadbaxayaasha Marinka Qaza

Fadhi uu shalay yeeshay Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadallo kulul waxaa isku dhaafsaday wakiilada kala mataleysay Falastiin iyo Israa'iil.

Warqad uu ergeyga Falastiin u gudbiyay gollaha ammaanka waxa uu ku cambaareeyay Waxa uu ugu yeeray xasuuq ba'an oo Israa'iil ay ka geysatay marinka Qaza.

Balse ergeyga Israa'iil ayaa sheegay in wixii ka dhacay xadka aysan ahayn oo keliya dibadbaxyo balse ay ahaayeen mudaaharaad rabshado watay.