Duufaan iyo roobab mahiigaan ah oo Khasaare ka gaystay Puntland iyo Somaliland

Sawir hore daadad iyo dabeylo ku dhuftay Puntland Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir hore daadad iyo dabeylo ku dhuftay Puntland

Roobab mahiigaanno ah ayaa khasaare ka gaystay deegaanno ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland 12 kii saac ee la soo dhaafay, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Labo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaannada Bari ee Puntland ka dib markii ay daadad la tageen, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Juba.

Dhanka kalana Hirar waawayn oo badda laas Qoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doomood waxaana jira walaac laga qabo in ay biyuhu galaan guryaha sida uu BBC-da u xaqiijiyay, Badhasaabka badhan u jooga Somaliland Cali Xuseen Saalax.

Hay'adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo in ay mahiigaannada ka da'aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya.

Shalay ayay ahayd markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Fatahaad khasaare ka gaysatay Qabri-dahar

Dhanka kalana waxaa hoos u dhacay roobabka ka da'aya Juba, Shabeelle iyo waliba dhulka buuralayda ah ee Itoobiya.

Daadad iyo fatahaado badan oo arrintaas ka dhashay ayaana khasaare badan ka gaystay deegaanno badan oo Soomaali ah.

Mowduucyada la xiriira