Sawirro: Todobaadkii tagay iyo Afrika
Xulashada sawirrada ugu wanaagsan isbuucan ee Afrika iyo Afrikanka kale ee ku nool dunida.

Xigashada Sawirka, AFP
Shacabka reer Koonfur Afrika ayaa isugu soo baxay banaanka safaaradda Israa'iil ee ku taalla Johannesburg Tallaadadii, iyagoo ka mudaharaadaya dilkii loo geystay dibad baxayaasha Falastiin.
Xigashada Sawirka, AFP
Haweenka dalka Kenya ayaa isugu soo baxay jidadka Caasimadda Nairobi ,iyagoo cambaareynayey sidii loola dhaqmay hooyo lagu amray inay cunugeeda ku naasnuujiso musqusha.
Xigashada Sawirka, AFP
Dhinaca kale ee Qaaradda ,ololeeyaasha Lagos, Nigeria, ayaa ka mudaharadayey sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegatay markii si xoog ah looga saaray bulshada Otodo Gbame xarumihii ay daganaayeen .
Xigashada Sawirka, AFP
Dadka ayaa u dabaal dagayey sanad guuradii 27 aad ee ka soo wareegatay madaxbanaanida Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ,iyadoo loo soo hormariyey munaasabaddan bisha Ramadan owgeed.
Xigashada Sawirka, AFP
Dadka ku nool Nairobi, Kenya ayaa dabaal dagayey ka dib markii kooxda Gor Mahia ay Axaddii la ciyaartay horyaalka Ingiriiska ee Hull City.
Xigashada Sawirka, AFP
Jimcihii ,ciidanka dagaalka ee Zimbabwe ayaa dabaaldagayey ,iyadoo uu socdo shirka wadatashiga ee xisbiga Zanu-PF.
Xigashada Sawirka, AFP
Sabtidii Mali,hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Jamhuuriga Soumaïla Cissé, iyo xisbiga Dimoqraadiga ee (URD) , ayaa shaaciyey hoggaamiyayaasha ooga qeyb gelidoona tartanka Madaxweynaha.
Xigashada Sawirka, AFP
Qamiistii ayey shacabka reer Burundi u dareereen xarumaha codbixinta si ay go'an ooga qaatan dastuurka dalka.
Xigashada Sawirka, AFP
Maalintii ka horreysayna ,heessaa iyo jilaa caan ah oo lagu magacaabo Khadja Nin ayaa ruxday bandhiga filimada ee Cannes, France.
Xigashada Sawirka, EPA
Dalka Tunusiyana Sabtidii iyo Axaddii hore waxaa ka dhacay bandhiga dharka.