Afganistan: Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay garoon kubadda cagta ah

Qarax ka dhacay Afganistan
Image caption Qarax ka dhacay Afganistan

Saraakiisha dowladda bariga dowladda Afganistan ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday garoon lagu dheelo kubadda cagta ay ku dhinteen 8 qof ayna ku dhaawacmeen 50 qof oo kale.

Mas;uuliyiinta dowladda ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay magaalada Jalalabad saqdii dhexe ee waqtiga Afganistan , xilligaasi oo ciyaar kirikit ah lagu dheelayay garoonka.

Labo qof oo isqarxiyay ayaa ka dhigay gudaha garoonka walxaha la isku qarxiyo, waxaana labo weerar oo kale oo isqarxin ahna laga soo sheegayaya meel banaanka ka ah dhismaha garoonka.

Weerarkaan ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii bombo lagu xiray rasaasna lagu weeraray xarun dowladdu leedahay oo ku taalla magaalda, waxaana ku dhintay 9 qof oo shacab ah.