Madaxweynihi hore ee Soomaaliya oo ka qeyb galay madasha hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka dhacayTanzania
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya oo ka qeyb galay madasha hoggaamiyeyaasha Afrika

Waxaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania lagu soo gabagabeeyay shirka Madasha Hogaamiyeyaasha Afrika, kaasi oo sanadkan diirada lagu saarayay ammaanka iyo xasiloonnida qaaraddan Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaal hore oo Afrikaan ah, kuwaasi horay uga soo taliyay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.

Haddaba madaxweynayaashii hore ee shirkaasi ka qeyb galay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo waxyaabaha shirka looga hadlayay uga warramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato, oo marka hore waydiiyay waxa shirkan uu ku soo kordhin karo ammaanka qaaradda Afrika?