Booliiska oo toogtay nin hubeysan oo galay goob uu Trump leeyahay

. Lahaanshaha sawirka AFP

Booliiska gobolka Florida ayaa toogtay, kadibna dhaawacay nin hubeysan oo la sheegay in uu galay goob uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ku taala magaalada Miami.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Jonathan Oddi, oo ah 42 jir ayaa loo qaaday isbitaalka kadib markii ay rasaas is weeydaarsadeen booliiska isaga oo ku sugnaa goobta kubadda Golf-ka oo uu Trump leeyahay.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay goobta tageen kadib markii ay heleen dad soo sheegay in nin uu rasaas ka ridayo goobta.

Ma jirin cid kale oo dhaawacantay marka laga tago ninkan oo lugaha laga toogtay, balse sargaal boolis ayaa ka jabay gacanta.

Mr Oddi kama uusan mid ahayn dadka degan meesha, balse waxa uu degenaa meel u dhow.

Baraha bulshada waxa uu ninkan ku qortay in uu yahay nin sameeya layliga jirdhiska oo macalin ah, islamarkaasna ah nin maalgashi ku sameeya guryaha, sidoo kalena maamule ka ah shirkad ka ganacsatada dahabka iyo macdanta kale.

Wiilka madaxweynaha uu dhalay oo mas'uul ka ah goobtan ayaa ammaanay falcelinta booliiska. Balse Trump ayaanan ka hadlin.

Mowduucyada la xiriira