Yaa bixinaya qarashka arooska Amiir Harry iyo Meghan?

Amiir Harry iyo Meghan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amiir Harry iyo Meghan

Qof kasta oo mar uun qabanqaabiyay aroos waa uu ogyahay qarashaadka tirada badan ee ku baxa aroosyada, manaba kusii jiraan kuwa ay dhiganayaan qoysaska boqortooyada, wuxuuna qarashka gaari karaa illaa malaayiin doolar.

Balse su'aasha ayaa waxa ay tahay yaa bixinaya qarashkaas, imisa ayayna bixinayaan dadka canshuurta laga qaado?

Qarashka Aminga

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dadka isugu tagay magaalada Windsor waxa ay gaarayaan illaa 100 kun qof, halka waraaqaha casuumaadda loo direy 600 qof iyo 200 kale oo dheeraad ah oo saaxiibadda lammaanaha ah.

Ina la maareeyo hawshan waa mid aad u adag, waxayna u baahantahay qorsheyn farobadan.

Qarashka ugu badan ee hawshan ku baxaya ayaa ah dhanka ammaanka, balse wasaaradda arrimaha gudaha kama aysan hadlin markii uu la xiriiray barnaamijka Xaqiiqo Raadin ee BBC-da.

Markii uu guursanayay amiirkii hore, waxaa booliiska la siiyay lacag gaaraysa £6.35m oo tan Ingiriiska ah.

Balse waa ay adagtahay in la is barbardhigo maadaa arooska Amiir Harry iyo Ms Markle uu ka duwanyahay kii hore, goobta uu ka dhacayo iyo tirada dadka ka qeybgalayaba.

Qarashaadka kale

Qasriga boqortooyada Kensington weli ma aysan soo saarin wax xog ah oo la xiriira faahfaahinta qarashaadka baxaya.

Taas ma ahan wax lala yaabo maadaamaa arrooskii Amiir William iyo Catherina aanan la shaacinin illaa iyo hadda qarashka ku baxay.

Taas ayaa waxa ay keeneysaa in aan si taxadar leh u qiyaasno waxa baxaya.

Bog internetka ah oo ku hawlan qabanqaabada arrimaha aroosyada oo lagu magacaabo Bridebook ayaa lagu sheegay in arrooskan ay ku kici karto lacag dhan £32m.

Toortaha oo kaliya lacagtiisa £50,000, halka ubaxa la iibiyo £110,000 , cuntada kalena ay dhantahay £286,000.

Maamulaha shirkadan Hamish Shepard oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in qiyaastay ay ku saleeyeen haddii qoyska boqortooyada ay wax kasta ku iibsadeen qiimaha uu suuqa ka joogo.

Balse lama oga in ganacsatada qaar ay qiimo dhimis u sameeyeen qoyska boqortooyada iyaga oo tixgalinaya adeegyada ay u fidinayaan reerkan.

Yaa bixinaya lacagta?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waxaa jira miisaaniyad sanadle ah oo ay boqortooyada hesho

Qarashka amniga ku baxaya waxaa caadiyan bixiya dadka canshuurta dhiiba.

Balse qoyska boqortooyada waxa ay sheegeen in ay iyagu bixinayaan alaabta arooska, taas oo ay ka bixinayaa miisaaniyada sanadlaha ee qoyskan laga siiyo qasnadda dowladda.

Sanadkan miisaaniyadda waxa ay dhanayd £82m.

Waxaase jira qarashyo kale oo qoyska kasoo gala ganacsiyo iyo maalgashiyo kala duwan oo ay leeyihiin.

Mowduucyada la xiriira