Heshiis laga gaaray qaabka loo qaybsanayo shidaalka laga soo saarayo Kenya

Uhuru Kenyatta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa sheegay in heshiis laga gaaray sida loo qeeybsanayo dhaqaalaha ka soo xaroon doona shidaalka marka ay dhoofintiisu ay bilaabato toddobadyo gudahood.

Shidaalkii ugu horreeyay ayaa laga helay meel ku dhaw deegaanka Turkana sandkii 2012.

Balse waxa ay cabsho ka imaanaysay dadka deegaanka oo iyagu doonaya in qeyb libaax leh ay ka helaan shidalkaasi.

Madaxweyne Kenyatta waxaa uu sheegay in 75% dhaqaalaha uu aadi doono dowladda dhexe ee dalkaasi.

Sidoo kale 25% waxaa la siin doonaa dowladda gobolka halka 5% la siin doono dadka deegaanka laga soo saaro shidaalkaasi.

Waxaa jira cabsi ku aadan in musuqmaasuqu u curyaamiyo faa'idada xooggan oo ay heli karaan dadka caadiga ah ee Kenyanka.

Deegaanka shidaalka laga helay ee Turkana ayaa ah goob ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Waxaa deegaankani uu sidoo kale ka mid yahay deegaanada ugu saboolsan dalka Kenya.

Mowduucyada la xiriira