Morocco: Dibadbaxyaal ka soo horjeeda safaarada Mareykanka ee Qudus

Khariirad Lahaanshaha sawirka .
Image caption Khariirad

Kumannaan qof ayaa wadooyiinka isugu soo baxay dalka Morocco kuwaasi oo cambaareeyay go'aankii Mareykanka uu safaaradiisa ugu soo wareejiyay magaalada Qudus.

Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay wadooyiinka magaalada Casablanca.

Qaar badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku luuqaynayay 'Dhimasho ha u sugnaato Israa'iil ' waxa ayna siteen calanka Falastiiniyiinta.

Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay dhowr xisbi siyaasaded oo uu ka mid yahay xisbiga dhaqdhaqaaqa mucaaradka, ee al-Adl Wal Ihsan.

Dhanka kale dowladda hoose ee caasimada dalka Moroccan ee Rabat, ayaa joojisay qorsha ay doonayeen in ay ku mataaneeyaan magaalada Rabat iyo magaalo ku taalla dalka Guatemala.

Arrintan ayaa jawaab u ahayd go'aanka Guatemala ee ku aadan in ay si la mid ah sida Mareykanka ay safaaradoda u soo wareejin doonaan magaalada Qudus.

Mowduucyada la xiriira