Madaxwayne Maduro oo ku guulaystay doorashadii Venezuela

Madaxwayne Maduro Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwayne Maduro

Guddiga doorashada ee dalka Venezuela ayaa shaaciyay in madaxweyne Nicolas Maduro uu ku guulaystay doorashadii shalay dhacday.

Iyada oo la tirayay 90% codadkii codadkooda dhiibtay ayaa Mr Maduro, waxa uu helay 67.7%.

Guushiisa ayaa ahayd mid la filayay ka dib markii ay axsaabta ugu waaweyn mucaaradka dalkaasi ay qaadaceen doorashada.

Ka hor inta aan natiijada la shaacin, ayaa musharraxii mucaaradka, Henri Falcon waxa uu sheegay in aanu aqbali doonin guusha Maduro, maadaama la musuq maasuqa doorashada sida uu sheegay.

Dadka u soo baxay doorashada ayaa la sheegay in ay tiradooda ahayd 46%.

Wasiirada ayaa ku tilmaamay doorashada mid si xaq iyo xor ah u dhacday.

Dalka Venezuela ayaa waxaa imika ka jira dhibaato dhaqaale oo uu heerkeedu sareyo.

Waxaa sidoo kale dalka ka jira sicir barar gaaray heerkii ugu sareeyay, waxa ayna dadka dalkaasi la daalaa dhacayaan maciisahada.