khasaare naf iyo maalba leh oo duufanta u geysatay Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

khasaare naf iyo maalba leh oo duufanta u geysatay Somaliland

Deegaamo badan oo ka tirsan gobollada Awdal iyo Selel ee Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa duufaantii maalmahan ba garaacaysay xeebaha Badda Casi ku dhufatay oo khasaare naf iyo maalba leh geysatay.

Deegaanada ay duufaanta ba'an ku dhufatay waxaa ka mid ah degmada Bakki ee gobolka Awdal.

Hadaba khasaaraha ka dhashay inta uu leegyahay, sida xaaladdu haatan tahay iyo bal wixii gargaar ah ee ilaa haatan loo fidiyey dadkaa dhibaatooyinku ku habsadeen, waxaanu wax ka waydiinay duqa degmada Bakki ee gobolka Awdal, Maxamed Axmed Caateeye, Cabdixaafid Cawil Ismaaciil oo khadka telefoonka magaalada Bakki kula xidhiidhay ayaa ugu horrayn weydiiyey bal inuu faahfaahiyo baaxadda khasaaraha.