Dumarka Sucuudiga oo u jawaabay rag ku dhego-hadlay

Haweenka Sacuudiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Haweenka Sacuudiga

Toddobaadyo ayaa ka soo wareegtay markii dumarka Sucuudigu laga qaaday xayiraaddii ka saarnayd wadidda baabuurta.

Qaar ka mid ah ragga ayaa baraha bulshada ku soo bandhigaya sida aysan ugu qanacsanayn sharcigan wax laga beddelay, iyaga oo isticmaalayo ereyo Carabi ah oo ay micnahoodu yahay "Gaari ma wadi kartaan".

Si kastaba ha ahaatee, halkudhiggaasi ayaa muujinaya xaqiraadda lagu hayo haweenka Sacuudiga.

Jumladdan ah "gaari ma wadi kartaan" tani iyo Isniinti waxaa Twitterka laga isticmaalay 65,000 oo jeer.

Haweenka ayaa waxay soo geliyaan baraha bulshada muuqaallo iyo sawirro qosol badan oo ay jawaab uga dhigayaan dhaleeceynta ragga.

Haween tira badana waxay go'aansadeen iney soo dhigaan sawirrada gaariga ay doonayaan inay mustaqbalku wadaan.

Mid ka mid ah haweenka ayaa waxay soo dhigtay baabuur midabkiisu yahay casaan khafiif ah, waxayna ku soo qortay "Gaadhigeyga: June 2018-ka"

Qaar kale oo haweenka ka mid ahna waxay soo dhigaaan sawirrada buugga waxbarashada dugsiga lagu barto darawalnimada.

Gabar Twitterka isticmaasho oo uu cinwaankeedu yahay (@laam_92) si cad oo waadix ah ayaa waxay ugu qoratay iyada ololaha ka dhanka ah ee lagu hayo jawaab uga dhigeyso ''waan wadi doonaa."

Qaarkoodna waxay ku tala bixinayaan ragga kuwa doonaya "iney isa siiyaan xaq iney u leeyihiin iney farageliyaan arrimaha haweenka khuseeyo" ay yihiin "kuwa khasaaray"

Sida oo kale jawaaba laga bixiyey halku dhigga raggu ay u adeegsadeen ay tahay arrin halis ku ah haweenka, qaarkood waxayba baahiyeen faahfaahinno iyo sharraxaadyo intaa ka dheer oo ay ka arrinta kaga hadlayaan.

Sarah Al-Qatibi ayaa waxay qortay "jumladdan karaahiyada ah" in loo adeegsaday "si loogu hanjabo haweenka kuwooda xataa ku fakaraya inay baabuur kaxeeyaan".

Isbeddellada Sacuudiga iyo wakhtiyada ay dhaceen

Xayiraadda haweenka ee ah inay kaxeeyaan baabuurta waxay ka mid tahay isbeddellada sanadahan uu keenay dhaxal sugaha 32 jirka ah Maxammed bin Salmaan.

Isbeddellada ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Diseembar 2015: Marki ugu horreysay haweenka waxay dhiibteen codkooda, waxayna musharraxnimo isugu soo taageen dowladaha hoose
  • Abriil 2016: Dowladda ayaa waxay xaddiidday awoodda ay leeyihiin booliska diinta ku shaqeeya inay su'aala weydiiyaan ama ay soo qabtaan qayba ka mid ah bulshada.
  • Sebteembar 2017: Boqor Salmaan wuxuu soo saaray amar haweenka u oggolaanaya iney gaari wadi karaan.
  • Sebteembar 2017: haweenka ayaa waxaa loo oggolaaday iney ka qayb qaataan munaasabadaha waaweyn ee dalka ka dhaca iyo Xuska qaranka ugu weyn.
  • Oktoobar 2017: Telefishiinka qaranka ayaa marki ugu horreysay bandhig faneedki ugu horreeyey oo ay heesaheeda ku soo bandhigeyso fannaanadda Umm Kulthum, tobaneeyo sana ah waa marki ugu horreeyey oo arrin noocaas ah la baahiyo.
  • Oktoobar 2017: Dowladda Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in haweenka loo oggolaaday iney ka qayb galaan daawashada cayaaraha laga billaabo 2018-ka.
  • Janaayo 2018: Haweenka ayaa marki ugu horreysay loo oggolaaday iney galaan garoonka ciyaaraha si ay ciyaaraha kubbadda u daawadaan.
  • Febraayo 2018: Mid ka mid ah culumada diinta ee Sucuudiga ayaa sheegay ineysan jirin haweenka wax diiniyan ku waajibinayo inay cabbaayad xirtaan.
  • Febraayo 2018: Haweenka ayaa waxaa loo ogggolaaday iney ka shaqeeyaan Huteellada ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka.
  • Febraayo 2018: Waxaa la qaaday xayiraaddi saarneyd inaan la xusi karin xuska maalinta jaceylka (Valentine Day).
  • Abriil 2018: Sacuudi Carabiya ayaa marki ugu horreysay marti gelisay toddobaadka bandhigga lebiska (Fashion Week)
  • Abriil 2018: Boqor Salmaan ayaa Faransiiska la galay heshiis uu ku sameeynayo fan-muusika qaranka (national opera)
  • Abriil 2018: Waxuu Sacuudiga marki ugu horreysay uu marti geliyey tartanka baayskiilka ee dumarka.
  • Abriil 2018: Boqortooyada ayaa tobaneeyo sana kaddib waxay marki ugu horreysay ogolaatay shaneemo.

Mowduucyada la xiriira