Haweneey caloosheeda laga helay 100 kaniini oo daroogo ah

Kaniinka daroogada ee laga soo saaray caloosha haweeneyda Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kaniinka daroogada ee laga soo saaray caloosha haweeneyda

Booliska dalka Hindiya waxay sheegeen inay ku guulaysateen in 106 kaniin oo daroogada nooca Cocaine-ka loo yaaqaano ay ka soo saareen caloosha haweeney looga shakisanaa in daroogadaasi ay dalka si sharci darro ah kusoo galinaysay.

Haweeneydan oo 25 sano jir ah oo u dhalatay Hindiya ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Delhi 14-kii bishii May kaddib markii booliska ay heleen digniin ah un haweeneydaas ay daroogo safrineysay.

Waxaa lagu soo warramayaa in toddobaadkii la soo dhaafay ay isbitaalka ku sugnayd si looga soo saaro daroogada caloosheeda ku jirtay.

Daroogada ay caloosha ku sidatay haweeneydan ayaa qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan $7,000

Booliska waxay rumaysan yihiin in haweenayda ay daroogada liqday xilli ay ku sugnayd magaalada Sau Paulo ee dalka Brazil, waxayna la sheegay inay doonaysay in daroogadaaasi ay ku wareejiso nin u dhashay dalka Nigeria oo isna ku sugnaa magaalada Delhi.

Saraakiil ka socota waaxda la dagaallanka daroogada Hindiya ayaa wargays maxalli ah u sheegay in dhacdadani ay noqonayso middii ugu horreysay ay ku qabtaan tiradii ugu badnayd ee kaniinka Cocaine-ka oo ay abid kasoo saaran caloosha qofka banii'aadam ah.

Booliska ayaa hadda ku raad jooga ninka u dhashay dalka Nigeria kaaso la ruumaysan yahay inuu u ahaa ninka ay ku socotay daroogada.

Mowduucyada la xiriira