Tobanaan ku dhimatay roobab iyo dabeylo ku dhuftay geeska Afrika

Halkan waa xerada barakacayaasha Muqdishu oo ay dadweynaha ka qaxayaan faatahaadaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Halkan waa xerada barakacayaasha Muqdishu oo ay dadweynaha ka qaxayaan faatahaadaha

In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan kalana ay saamaysay duufaanta iyo roobabka ku dhufatay Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaaniida ee Somaliland maalmihii lasoo dhaafay.

Roobaabka mahiigaanka ah ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran.

Roobab mahiigaan ah oo 24 kii saac ee la soo dhaafay ka da'ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadkan waxay ka qaxayaan daadadka saamayay magaalada Muqdishu

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in 15 qof ay ku geeriyootay roobabka dhuufanta watay ee labadii maalmood lasoo dhaafay halkaasi ku dhuftay.

Waxay sido kale duufaanta saamayn ku reebtay dalka Jabuuti. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in caasimadda dalkaasi iyo magaalada Balbala ay kamid yihiin goobaha sida darran looga dareemay duufaanta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ninkan waxuu dusha ku sita boorso ay alaabtiisa ugu jirto, wuxuuna ka qaxaya dhibaatada ay faatahadaha ku reebeen

Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in tobbanaan kun oo qof ay dhibaata kasoo gaartay fatahaadaha kuwaaso ka qaxay guryahooda. Dalka Jabuuti waxaa lagu qiyaasay 20, 000 illa 30,000 qof inay saamaysay duufaanta loogu magac daray Sagar.

Mowduucyada la xiriira