$10 kun oo doolar maku bixin lahayd daawashada arooskii Amiir Harry iyo Meghan?

Dadka u daawasho tagay arooska Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka u daawasho tagay arooska

Adiga oo gurigaaga jooga ayay kuu suurtogali lahayd in dhaladaada aad si sahlan uga daawato arooskii boqortooyada Ingiriiska ee dhacay 19-kii bishan. Balse dad ladan oo ku nool caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa doorbiday in ay lacag ku bixiyaan daawashada arooska.

Sida ay baahinayso warbaahinta dalka Kenya, hoteelka Windsor Golf Hotel ayaa soo agaasimay munaasabad dadka qofkiiba laga kireynayay daawashada arooska oo si toos ah looga baahinayay taleefishinada adduunka.

Qof kasta waxa uu bixiyay $10 kun oo doolar, waxaana dhacday in goobtii loogu talogalay ay buuxsantay, dad badana ay gateen tigidhada qaaliga ah.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hotelka ayaa waxa uu ku magac yahay magaaladii uu arooska ka dhacay

Marka laga tago in ay shaashad weyn ka daawdeen arooska, waxa ay macaamiisha heleen adeegyo kale oo ay ka midyihiin in diyaarad lagu geeyay buurta Mount Kenya , halkaas oo quraac qaas ah ay kasoo cuneen maalintii xigtay arooska.

Lammaane ka mid ahaa dadkii meesha tagay ayaa sheegay in ay meesha uga qaybgaleen si ay fikir uga soo qaataan qabanqaabada arooskooda oo ay qorsheynayaan.

Dadka qaarkood ayaa soo xirtay dharkii arooska markii ay ka qaybgalayeen arooska.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Haweenay ayaa soo xiratay cambuurka arooska