Kalluumeysatada rer Berbera oo soo bandhigay xirfadooda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kalluumeysatada rer Berbera oo soo bandhigay xirfadooda

Qof waliba oo aduunkan ku nool waxa uu leeyahay xirfad u gaar ah oo uu ku shaqaysto taasi oo uu khibrad u leeyahay.

Qofka ayaa marka uu xirfada sanooyiin badan ku dhex jiro waxa uu helaa khibrad uu ku garan karo waxyaabo badan oo ka mid howsha uu ku guda jiro.

Kalluumeysatada rer Berbera waxay kala yaqaanaan xilli walba nooca kalluunka iyo noolaha kale ee badda ee ay ka soo jillaaban karaan kaasi oo qiimo wanaagsan ay ku heli karaan. .

Ismaaciil Daahir Kaahin oo loo yaqaanno XALLIYE wuxuu kalluumeyste ahaa muddo ka badan 30 sano.

waxaa uu uga waramay xirfaddiisa kalluunka ,quusidda badda oo uu khibrad dheer u leeyahay , iyo magaalooyinka ay haatan u iibgeeyaan kalluunka weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo kula kulmay meheradiisa kalluunka ee magaalada berbera mar uu dhowaan shaqo u tegay halkaasi