Maraykanka oo cunaqabteyna cusub ku soo rogay Iiran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maraykanka oo cunaqabteyna cusub ku soo rogay Iiran

Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegay in Iiraan ay ku soo rogi doonaan cunaqabatayntii ugu adkeyd taariikhda soo marta Iiraan.

Madaxwayne Xassan Ruuxaani ayaa su'aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo go'aanada Mike Pompeo ee ku aadan Iiraan.

Madaxa midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale cambaareeysay khudbadii uu jeediyay xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Mr Pompeo's speech.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in aysan jirin waddo kale oo furan oo ku aadan heshiiskii niyukleerka ee Iiraan lala galay 2015.

Haddaba maxaa la gudboon Iiran haatan, Axmed tiir oo falanqeya arrimaha bariga daxe ayaan ka wareysanay?